Manchester United ayaa heshiis is dhaafsi la yeelan donto kooxda Napoli

Manchester United waxay isku dayi doontaa heshiis is dhaafsi Marcus Rashford iyo weeraryahanka Napoli Victor Osimhen inay isku bedelaan kooxo, sidaas waxaa qortay The Sun. Osimhen waxa uu amaah ku joogaa Galatasaray ka dib markii uu si joogto ah uga tagay Napoli la isku afgaran waayay xagaagii hore. Dhanka kale, Daily Mail ayaa ku warameysa in Rashford uu diiday saddex dalab oo waa weyn oo uga yimid kooxo ka dhisan Saudi Arabia oo uu sanadkii ku qaadanayo 35 milyan ginni. 27 jirkaan ayaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago Old Trafford bisha Janaayo hadii dalabka saxda ah uu yimaado laakiin warbixinta ayaa sheegeysa inuu aadi doono kaliya koox tartan ah. Osminhen waxaa lagu burburin karaa 62 milyan ginni, laakiin is dhaafsiga Rashford waa la aqbali karaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*